DEG DEG:- Abshir Bukhaari oo loo doortay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare

Waxaa goordhaw lasoo gaba-gabeeyay wareega seddaxaad ee doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, iyadoona wareegaasi ay ku tartamayeen labo musharax oo kaliya.

Abshir Maxamed Bukhaari oo ah malkiilaha idaacadda Goobjoog ayaa ku guuleystay doorashada xilka guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare kadib markii uu helay 30 cod, halka musharaxii kale ee isaga la tartaamayay Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) uu isna helay 22 cod.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Aqalka Sare oo natiijadda doorashada ku dhawaaqay ayaa sheegay in Abshir Maxamed Bukhaari uu ku guuleystay xilka guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka sare baarlamaanka Soomaaliya kadib markii uu helay 30 cod.

Waxaa saacadaha soo socdo la filayaa inay si toos ah u bilaabato doorashada guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya waxaana ku tartami doonno musharixiinta kala ah:-

1- Hodan Maxamuud Cismaan (Puntland)
2- Sacdiyo Xasan Cismaan ( Puntland)
3- Cismaan Axmed Macoow (Hirshabeele)
4- Fartuun C/qaadir Faarax (Hirshabeele)
5- C/kaafi Macalin Xasan (Koonfur Galbeed)
6- Mowliid Xuseen Guhaad (Jubbaland)
7- Iftiin Xasan Baasto (Jubbaland)

error: Content is protected !!