DEG DEG:- Cabdi Xaashi C/laahi oo loo doortay xilka guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka

Waxaa goordhaw lasoo gaba-gabeeyay tirinta codadka xildhibaanada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ay dooranayeen guddoomiyaha cusub ee Aqalka Sare, kaas oo afarta sanno ee soo socota hogaamin doonna.

Tirada xildhibaanada baarlamaanka Aqalka Sare ee maanta codeeysay ayaa waxay gaarayeen illaa 52 xildhibaan, waxaana doorashada ku guuleystay Cabdi Xaashi C/laahi oo helay 43 cod, halka musharixii kale ee isaga la tartamaayay Mustaf Maxamuud Qodax uu isna helay 9 cod oo kaliya.

Guddoomiyaha cusub ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi oo khudbad kooban ka jeediyay goobtaasi ayaa marka hore xildhibaanada uga mahad celiyay kalsoonida ay u doorteen, wuxuuna ballan ku qaaday inuu kasoo bixi doonno xilka loo doortay.

Dhinaca kale, waxaa haatan socota doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, kaas oo ay ku tartamayaan illaa 7 musharax.

Kadib markii lasoo gaba-gabeeyo tirinta codadka doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad ayaa waxaa la gudda gali doonnaa codeynta guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare, kaas oo ay ku tartami doonaan illaa 7 musharax.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!