Waxaa goordhaw lasoo gaba-gabeeyay wareega koowaad ee doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, iyadoona mid ka mid ah musharixiinta u tartameeysay uu ka tanaasulay doorashada.
Prof. C/risaaq Cismaan Cali Juriile ayaa goordhaw shaaciyay inuu ka haray wareega labaad ee tartanka doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka sare baarlamaanka Soomaaliya.
Musharax C/risaaq Juriile ayaa wareegii koowaad ee doorashada helay 6 cod, waxayna taasi keentay inuu ku dhawaaqo ka harista tartanka doorashada ee wareega labaad.
Hadaba musharixiinta isugu soo haray wareega labaad ayaa kala ah sida soo socota:-
1- Abshir Maxamed Axmed Bukhaari (Galmudug) oo wareega koowaad helay 17 cod
2- Cabdi Axmed Dhuxulow (Galmudug) oo wareega koowaad helay 14 cod
3- Maxamuud Axmed Maxamuud Mashruuc (Puntland) oo isna helay 11 cod