DEG DEG:- Si toos u daawo doorashada guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya

Waxaa haatan xarunta Aqalka sare ee magaalada Muqdisho ka socota doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo labaad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyadoona xildhibaanada ay haatan si toos ah u codeeynayaan.

Doorashada guddoonka Aqalka Sare ayaa haatan ku socoto si deganaan ah, iyadoona aanay jirin wax buuq ama khilaaf oo weli ka dhashay.

Xildhibaanada soo xaadirtay ayaa tiro ahaan la sheegayaa inay gaarayaan illaa 52 xildhibaan, wuxuuna xildhibaan kasta codkiisa u dhiibanayaa si qarsoodi ah.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in doorashada maanta lasoo gaba-gabeyn doonto islamarkaana la dooran doonno guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo labaad ee Aqalka sare baarlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale, xilka guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa daqiiqado kahor loo doortay Cabdi Xaashi C/laahi oo helay 43 cod, halka musharixii isaga la tartamaayay Mustafa Maxamuud Qodax uu isna helay 9 cod oo kaliya.

Musharixiinta guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare waxaa ku tartamaya:-

1- Xasan Faarax Xujaale (Jubbaland)
2- Axmed Xaashi Maxamuud (Jubbaland)
3- C/waaxid Cilmi Cumar (Galmudug)
4- Abshir Maxamed Axmed Bukhaari (Galmudug)
5- Cabdi Axmed Dhuxuloow (Galmudug)
6- Maxamuud Axmed Maxamuud Mashruuc (Puntland)
7- C/risaaq Cismaan Cali Juriile (Puntland)

Musharixiinta guddoomiye ku-xigeenka labaad waxaa ku tartamaya:-

1- Hodan Maxamuud Cismaan (Puntland)
2- Sacdiyo Xasan Cismaan ( Puntland)
3- Cismaan Axmed Macoow (Hirshabeele)
4- Fartuun C/qaadir Faarax (Hirshabeele)
5- C/kaafi Macalin Xasan (Koonfur Galbeed)
6- Mowliid Xuseen Guhaad (Jubbaland)
7- Iftiin Xasan Baasto (Jubbaland)

error: Content is protected !!