DEG DEG:- Wareega labaad oo lasoo gaba-gabeeyay iyo labo musharax oo isku soo hartay (AKHRISO)

Waxaa goordhaw lasoo gaba-gabeeyay tirinta codadka xildhibaanada Aqalka Sare ee wareegii labaad ay ku dooranayeen guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka sare baarlamaanka Soomaaliya.

Wareega labaad ayaa waxaa doorashada xilka guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ku tartamayay illaa seddax musharax, waxaana haatan soo baxay labo musharax.

Labada musharax ee soo hartay ayaa wareega seddaxaad doorashada ku tartami doonna, waxaana guuleysan doonna musharixii cod dheeri ah hela.

Musharixiinta tartameeysay ayaa waxay codadka u kala heleen sida soo socoto:-

1- Abshir Maxamed Axmed Bukhaari (Galmudug) wuxuu helay 19 cod
2- Cabdi Axmed Dhuxulow (Galmudug) wuxuu helay 17 cod
3- Maxamud Axmed Maxamuud (Mashruuc) wuxuu isna helay 16 cod

Waxaa wareega seddaxaad isku soo haray labada musharax ee kala ah:-

1- Abshir Maxamed Axmed Bukhaari (Galmudug) wuxuu helay 19 cod
2- Cabdi Axmed Dhuxulow (Galmudug) wuxuu helay 17 cod

error: Content is protected !!