Doorashada guddoonka Aqalka sare oo saacadaha soo socda ka dhaceeysa Muqdisho (AKHRISO)

Waxaa saacadaha soo socdo la filayaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya iyo ku-xigeenadiisa, iyadoona ammaanka goobta ay doorashadaasi ka dhaceeyso si weyn loo adkeeyay.

Dhamaan wadooyinka soo gala xarunta ay ka dhaceeyso doorashada Aqalka sare ayaa saakay la xiray, waxaana wadooyinkaasi maanta lagu daadiyay ciidamo badan oo ka tirsan nabad-sugidda qaranka iyo kuwa booliska Soomaaliyeed.

Ciidankaasi ayaa feejignaan dheeraad ah maanta muujinaaya, waxaana saacadaha soo socdo lagu wadaa in doorashada ay si toos ah u bilaabato.

Xilka guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka ayaa waxaa ku tartamaya labo musharax, halka guddoomiye ku-xigeenadane ay ku tartami doonaan musharixiin aad u badan.

Inta aysan doorashadu bilaaban kahor ayaa waxaa la dhaarin doonnaa C/raxmaan Faroole oo xilliga dhaartii xildhibaanada hore aanay kasoo qeyb-galin, waxaana dhaarta kadib la gudda gali doonnaa howlaha doorashada ee la filaayo in maanta lasoo gaba-gabeeyo.

Musharixiinta maanta ku tartameeysa guddoonka Aqalka Sare ee baarlmaanka ayaa kala ah sida soo socoto:-

Xilka guddoomiyaha Aqalka Sare waxaa ku tartamaya:-

1- Cabdi Xaashi C/laahi (Somaliland)

2- Mustafa Maxamed Qodax (Somaliland)

Musharixiinta guddoomiye ku-xigeenka koowaad waxaa ku tartamaya:-

1- Xasan Faarax Xujaale (Jubbaland)
2- Axmed Xaashi Maxamuud (Jubbaland)
3- C/waaxid Cilmi Cumar (Galmudug)
4- Abshir Maxamed Axmed Bukhaari (Galmudug)
5- Cabdi Axmed Dhuxuloow (Galmudug)
6- Maxamuud Axmed Maxamuud Mashruuc (Puntland)
7- C/risaaq Cismaan Cali Juriile (Puntland)

Musharixiinta guddoomiye ku-xigeenka labaad waxaa ku tartamaya:-

1- Hodan Maxamuud Cismaan (Puntland)
2- Sacdiyo Xasan Cismaan ( Puntland)
3- Cismaan Axmed Macoow (Hirshabeele)
4- Fartuun C/qaadir Faarax (Hirshabeele)
5- C/kaafi Macalin Xasan (Koonfur Galbeed)
6- Mowliid Xuseen Guhaad (Jubbaland)
7- Iftiin Xasan Baasto (Jubbaland)

error: Content is protected !!