Mowliid Xuseen Guhaad oo maanta loo doortay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya lagu soo gaba-gabeeyay doorashada guddoomiyaha Aqalka Sare iyo labadiisa ku-xigeeno, iyadoona doorashada ugu dambeeysay lagu doortay gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka sare oo ay ku tartamayeen ilaa 7 musharax oo ay ku jireen seddax haween ah.

Doorashada guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka sare oo la isla gaaray illaa wareega seddaxaad ayaa ugu dambeyn waxaa isugu soo haray labo musharax oo kaliya, kadib markii musharaxiinta kale ay ku hareen labadii wareeg ee kale.

Mowliid Xuseen Guhaad ayaa wareega seddaxaad ku guuleystay xilka guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare, wuxuuna helay codad gaaraya 28 cod, halka musharaxa kale ee isaga la tartamaayay C/kaafi Macalin Xasan uu isna helay 24 cod.

Dhinaca kale, guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada doorashada Aqalka Sare oo natiijadda doorashada ku dhawaaqay ayaa sheegay in Mowliid Xuseen Guhaad uu ku guuleystay xilka guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka sare baarlamaanka Soomaaliya kadib markii uu helay 28 cod.

Ugu dambeyntii, xildhibaanada Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan u muuqda kuwa soo gaba-gabeeyay doorashada guddoonkooda rasmiga ah, waxaana la filayaa in bilawga bisha soo socoto ee Febraayo la qabto doorashada xilka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

error: Content is protected !!