Taariikhda guddoomiyaha cusub ee loo doortay Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya lagu doortay guddoomiyaha cusub ee Aqalka sare, kaas oo loo doortay Cabdi Xaashi C/laahi.

Cabdi Xaashi C/laahi oo kasoo jeeda deegaanada Somaliland ayaa ku dhashay Baabiley ee dalka Itoobiya sanadkii 1946-dii, waana 71 san jira, khibrad weyn u leh siyaasadda Soomaaliya, wuxuuna ka mid yahay dadka sida weyn ugu ololeeya midnimada Soomaaliya.

Guddoomiyaha loo doortay Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/laahi ayaa xilliyadii ugu dambeysay ku sugnaa magaalada Muqdisho, wuxuuna xilal kala duwan uu ka soo qabtay xukuumadihii dalka soo maray.

Hadaba hoos ka aqriso taariikhda kooban ee guddoomiyaha cusub Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi

Waxbarasho:

1964-1968: Dugsi sare, Madahania-Alam, Harar

1975-1977: Kuliyadda siyaasadd, Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, Muqdisho

1980-1981: Machadka Maamulka iyo Maareynta, SIDAM, Muqdisho

1985-1990: Kuliyadda Dhaqaalaha, Jaamacadda Umadda, Muqdisho

Shaqo:

1972-1974: Macalin Ceel Jaalle

1974-1975: Qasnajiga guud ee Wakaaladda ONAT, Muqdisho.

1977-1979: Xogheyaha xarumaha waxbasrashada UDHKS

1979-1980: Kaaliyaha 1aad ee gobolka Waqooyi beri, Hargeisa.

1979-1980: Guddoomiyaha degmada Marka

1981-1990: Maareeyaha guud ee golaha murtida iyo madadaalada ama Theater-ka

1979-1990: xubin golaha shacabka Soomaaliyeed.

1991-1992: Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta.

1992-1996: Agaasimaha Maareynta ee Hey’adda Afri-Action.

1997-2004: Agaasmiha Maareynta Tubta Nabadda.

2004-2009: Xubin Baanrlamaan.

2005-2007: Wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka.

2008-2009: Wasiirka Caafimaadka

2012-2016: Xubin Baarlamaanka, iyo guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee golaha shacabka.

2017: Guddoomiyaha cusub ee Aqalka Sare baarlamaanka Soomaaliya

error: Content is protected !!