DEG DEG:- Qarax goordhaw ka dhacay dhabarka dambe ee Shineemo Soomaaliya ee Muqdisho

Warar goordhaw nasoo gaaraya ayaa sheegaya in qarax aad u weyn uu daqiiqado kahor ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Shineemo Soomaaliya.

Qaraxaan oo si weyn looga dareemay inta badan magaalada Muqdisho ayaa wararka hordhaca ah aynu heleyno sheegayaan inuu ahaa mid loo adeegsaday gaari nooca raaxadda ah oo walxaha qarxa lagu soo xiray.

Dad goob-joogayaaal oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa sheegay in gaarigaasi uu ku qarxay dhabarka dambe ee Shaneemo Soomaaliya, inkastoo uusan wax qasaare ah geysan.

Dhinaca kale, warar lagu kalsoonaan karo ayaa inoo xaqiijiyay in gaarigaasi qarxay uu lahaa sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya oo magaciisa lagu soo koobay Afrax.

Sarkaalkaasi ayaa la sheegayaa inuusan gaariga ku jirin xilligii uu qarxay, waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay islamarkiiba soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka oo halkaasi baaritaano ka bilaabay.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!