Muxuu Xasan Sheekh ka yiri doorashadda guddoonka Aqalka Sare ee baarlamaanka?

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan xildhibaanadda baarlmaanka Aqalka Sare ee dowladda federaalka Soomaaliya oo maalintii shalay doortay guddoomiye iyo ku-xigeenadiisa koowaad iyo labaad.

“Doorashooyinkii guddoonka Aqalka Sare ee baarlmaanka federaalka Soomaaliya ee qabsoomay, waxay muujinayaan sida dadka Soomaaliyeed ay ugu bislaadeen siyaasadda leh hufnaanta iyo deganaanshiyaha, waa tallaabo muhiim ah oo sahleysa horumar iyo horu-socod, hambalyo ayaan leeyahay guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa koowaad iyo labaad ee la doortay” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale yiri “Xubnaha la doortay waa mas’uuliyiin khibrad u leh xaaladda Soomaaliya, kartina u leh hoggaaminta, waxaana Allaah uga baryayaa inuu mas’uuliydaas cusub la garab galo”

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa musharaxiintii kale ee tartaranka ka qeyb gashay ku ammaanay sida kartida dheeraadka ah ee ay u aqbaleen natiijada doorashadii guddoonka Aqalka Sare ee dhacday.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mahad-celin iyo hambalyo u jeediyey guddoonkii KMG ahaa iyo guddigii doorashada guddoonka Aqalka Sare ee baarlmaanka Soomaaliya, oo si hufan ugu guuleeystay qabsoomida doorashada shalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

error: Content is protected !!