Wararkii ugu dambeeyay weerar lagu qaaday Banki ku yaala Mandera iyo askari lagu dilay (SAWIRO)

Wararka naga soo gaaraya magaalada Mandera ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in koox hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ay weerar bambaano ah ku qaadeen Bankiga Equity ee ku yaala magaaladaasi.

Weerarkaasi ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday askari ka tirsan ciidanka booliska Kenya, kaas oo waardiye ka ahaa Bankiga la weeraray.

Inkastoo aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi ayaa hadane waxaa weerarkaasi lagu eedeynayaa inay ka dambeeyeen Xarakada Al-shabaab.

Dhinaca kale, waxaa muddooyinkii ugu dambeysay magaalada Mandera iyo deegaanada kale ee ku xeeran magaaladaasi kusoo noq-noqday weerarada ay ka geystaan xubnaha ka tirsan Al-shabaab.

Guddoomiyaha magaalada Mandera Frederick Shisia oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidanka nabad-sugidda ay haatan wadaan baaritaano ay ku ogaanayaan ciddii weerarka soo qaaday, wuxuuna guddoomiyaha sheegay in magaalada bandow lagu soo rogay.

error: Content is protected !!