Axmed Xaaf oo ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Galmudug (DAAWO)

Siyaasiga caanka ah ee Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay inuu u sharaxan yahay xilka madaxweynaha maamulka Galmudug.

Ku dhawaaqista Axmed Xaaf ee xilka madaxweynaha Galmudug ayaa timid kadb markii qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ay xilkii ka qaadeen madaxweynaha maamulkaasi C/kariin Xuseen Guuleed.

Axmed Xaaf ayaa sida la sheegay ka mid ahaa xubnaha ka dambeeyay xil ka qaadista C/kariin Xuseen Guuleed iyo xiisadda siyaasadeed ee ka tagaan Galmudug.

Dhinaca kale, xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Xero-Madow ee magaalada Cadaado, waxayna kulankoodii kaga hadleen arrimo ku saabsan abaaraha ka jira deegaanada Galmudug, iyagoo kadib ku dhawaaqay inay soo magacaabeen labo guddi oo abaaraha ka shaqeeya.

error: Content is protected !!