DEG DEG:- Baarlamaanka oo isku raacay tiradda laga dhigi doonno guddiga doorashada

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay kulankii ugu horeeyay oo ay yeeshaan xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kulankaasi oo ay kasoo qeyb-galeen xildhibaano badan oo ka tirsan labada Aqal ayaa la sheegayaa in lagu soo bandhigay Mooshin ku saabsan tiradda guud uu noqon doonno guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo hore labada Aqal loogu qoondeeyay.

Qaar ka mid ah xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka ayaa soo gudbiyay mooshin ay ku dalbanayaan in guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya laga dhigo illaa 16 xubnood, halka markii hore ay ahayd 15 xubood.

16-kaasi xubnood ayaa ka imaan doonna lixda maamul goboleed ee ka jira dalka kuwaas oo kala ah:- Puntland, Somaliland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

10 ka mid ah xubnahaasi ayaa noqon doonna kuwa ka yimaada Aqalka hoose,  halka 6-da kalena ay ka imaanayaan Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka ayaa markii dambe mooshinka ay soo gudbiyeen xildhibaanada qaar ee labada Aqal hordhigay xildhinbaanada kale, si ay cod ugu qaadaan.

Xildhibaanada labada Aqal ayaa markii dambe cod u qaaday mooshinkaasi, waxayna codeynta ahayd mid gacan-taag ah.

Illaa 117 xildhibaan ayaa taageertay in guddiga doorashada madaxweynaha laga dhigo 16 xubnood, waxaana kasoo horjeestay 50 xildhibaan, iyado 4 xildhibaan kalena ay ka aamuseen.

Ugu dambeyntii, xildhibaanada labada Aqal ayaa isku afgartay in tirada xubnaha guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya laga dhigo 16 xubnood oo ka imaan doonna lixda maamul goboleed.

error: Content is protected !!