Faah faahin:- Qarax qasaare geystay oo saakay ka dhacay degmada Afgooye iyo cidda ka dambeysay

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa qarax aad u xoogan oo saakay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, kaas oo sida la sheegay geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxaasi ayaa la sheegayaa inuu ahaa miino lagu aasay goob ku taala degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose oo ay fariistaan ciidamada nabad-sugidda ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Dad goob-joogeyaal ah ayaa warbaahinta Bulshoweyn u xaqiijiyay in miinada ay aheyd mid ay habeenkii xalay Al-shabaab ku aaseen goobtaasi, kahor inta aysan maalintii shalay ka bixin degmada Afgooye.

Waxaa inta la xaqiijyay qaraxaasi ku geeriyootay illaa 5 askari oo ka tirsanaa ciidanka nabad-sugidda, iyadoona sidoo kale ay ku dhaawacmeen illaa 3 kale.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Afgooye iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan degmadaasi, kaas oo ay kaga hadlaayan qasaaraha ka dhashay qaraxaas.

Si kastaba ha ahaatee, qaraxaan maanta ka dhacay degmada Afgooye ayaa kusoo beegmaya xilli dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay maalintii shalay muddo saacado ah la wareegeen gacan ku haynta degmadaas, kadib markii ay weerar labo jiho ah halkaasi kusoo qaadeen.

error: Content is protected !!