Magacyadda guddiga doorashada madaxweynaha oo maanta lagu dhawaaqay (AKHRISO)

Kadib kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay ku magacaabeen guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya, taas oo la qorsheeynayo inay dhawaan dhacdo.

Guddigaan oo ka kooban illaa 16 xubnood ayaa 10 ka mid ah guddigaasi waxay ka tirsan yihiin Aqalka hoose, halka 6-da kale ay ka mid yihiin Aqalka sare ee baarlamaaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, guddigaan ayaa looga fadhiyaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay usoo saaraan jadwalka doorashada madaxweynaha Soomaaliya, iyo qaabkii ay u dhici lahayd.

Guddigaan ayaa maalmaha soo socdo kulan ku yeelan doona magaaalada Muqdisho, iyagoona ka arrinsan doonna qaabka doorashada u dhici lahayd.

Hadaba nuqul ka mid ah magacyadda guddiga la magacaabay oo nasoo gaaray ayaa u qornaa sida hoos ku xusan:-

error: Content is protected !!