Shuruudaha iyo tirada guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee labada gole (AKHRISO)

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdihso ee caasimadda dalka Soomaaliya ay kulan ku yeeshaan xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ka wada hadli doonna magacaabista guddiga doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Guddiga la magacaabi doonna ayaa ka shaqeyn doonna doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waxaana si wadajir ah u wada dooran doonna xildhibaanada labada Aqal, iyadoona la shaaciyay shuruudaha loo dhigay guddiga doorashada, tiradiisa iyo sida ay u qeybsanayaan labada gole.

Shuruudaha iyo tirada guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee labada gole ayaa ah sida soo socota:-

Guddiga isku dhafka ah ee doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda

Waxaa la dhisayaa guddi isku dhaf ah oo ka kooban 10 xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka iyo 5 xildhibaan oo ka tirsan Aqalka sare.

Guddoomiye kasta isagoo la tashanaya ku-xigeennadiisa ayaa magacaabaya xubnaha guddiga uga qeyb galaya.

Guddiga isku dhafka doorashada madaxweynaha waxaa uu u qeybsamaa labo guddi hoosaad:-

Guddiga hoosaadka nidaaminta iyo diwaangelinta murashaxiinta waxaa uu mas’uul ka yahay:

Nidaaminta murashaxiinta, ilaalinta ku dhaqanka xeer hoosaadka, diiwaangelinta iyo hubinta waraaqaha murashaxiinta, hubinta soo jeedinta magacaabista iyo taageerayaasha murashaxiinta, Maareyta iyo Ha Maamuuska, iskugu yeerid munaasabadaha iyo Dhageysiga iyo xallinta cabashooyinka.

Guddi hoosaadka howlgelinta guud iyo Maaliyadda shaqadiisu waa:

Sugidda amniga, Loogistikada, Diiwaangelinta martida, faraqaadka-(Bio-Metrics), iibsiga alaabta iyo maamulidda maaliyadda iyo dhaqaalaha xisaabta bangiga.

Si waafaqsan qodobka 111G (b) ee dastuurka, guddiga isku dhafka ee doorashada madaxweynaha waxaa si goobjoog ah ula shaqeynaya guddiga madaxa banana ee doorashooyinka qaranka si ay u hubiyaan habsami u socodka habraaca doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka.

Guddiga isku dhafka waxaa uu iska dhex-dooranayaa guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen oo ka kala socda labada aqal.

Guddigan isku dhafka ah iyo guddi hoodaasyadiisa waxaa ay dejinayaan xeer-nidaamiye ay xilgudashadiisa iyo howlahooda ku fuliyaan.

Guntanka guddiga waxaa uu ku ansaxayaa kalabarka tirada guud ee xubnaha guddiga oo haldheeri ah.

Guddi-hoosaadyada waxaa ay warbixintooda iyo talooyinkoo siinayaan fadhiga guud ee guddiga.

Xilheynta guddiga isku dhafka ee doorashada madaxweynaha waxaa ay ku egtahay markii ay dhamaato doorashada madaxweynaha JFS.

-DHAMMAAD-

error: Content is protected !!