Xildhibaanada labada Aqal oo 6 qodob kasoo saaray doorashada madaxweynaha (AKHRISO)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan aan caadi ahayn ku yeeshay xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, iyagoona kulankooda maanta ku ansixiyay qodobo dhowr ah oo ku saabsan doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaanadaasi ayaa ugu dambeyn isku afgartay dhowr qodob, kadib markii ay si gacan-taag ah cod ugu qaadeen mooshin ay maanta keeneen qaar ka mid ah xildhibaanada labada Aqal.

Illaa 6 qodob ayaa kulankaasi laga soo saaray, waxayna qodobadaasi kala yihiin:-

1- In tirada guddiga doorashada madaxweynaha ay noqoto 16 mudane, oo 10 xubnood ay ka imaaneyso Aqalka hoose, halka 6 xubnood kale ay ka imaanayaan Aqalka sare.

2- In guddiga doorashooyinka heer federaal ay goobjoog ka noqdaan doorashada madaxweynaha dalka.

3- In ciidamada ammaanka ee xaqiijinaya nabad-gelyada doorashada madaxweynaha ay ka amar qaataan guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

4- Qeyb ka mid ah lacagaha laga qaado musharixiinta madaxweynaha lagu bixiyo abaaraha ka jira dalka.

5- In musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha su’aalo dood wadaag ah la weydiiyo.

6- In la sameeyo guddi madax banaan ee ka hortaga musuq-maasuqa doorashada madaxweynaha.

Dhamaan qodobadan ayaa u baahan waqti lagu fulin lahaa, iyadoo dhinaca kale laga cabsi qabo in waqti dheeraad ah ay qaadato doorashada madaxweynaha, waxaana weli socda kulanka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo magacyadda 16-ka xubnood ee guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah.

error: Content is protected !!