DEG DEG:- Qarax xoogan oo daqiiqado kahor ka dhacay magaalada Muqdisho iyo xaaladda oo qasan

Qarax aad u xoogan islamarkaana loo maleeynayo in loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa daqiiqado kahor lagu weeraray Hoteel Dayax oo ku yaala agagaarka isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaan oo ilaa iyo haatan la ogeyn inta qasaare uu geystay, ayaa ahaa mid lagu dhuftay iridka hore ee Hoteelka, iyadoona qaraxaasi si weyn looga maqlay degmooyinka magaalada Muqdisho.

Xaaladda Hoteelka qaraxa lagu weeraray ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana haatan rasaas aad u xoogan iyo qaraxyo kale laga dhex maqlayaa gudaha Hoteelka.

Hoteelka Dayax ayaa la sheegayaa inay degan yihiin siyaasiyiin badan oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano.

Ragga weerarka kusoo qaaday Hoteelkaasi ayaa loo maleynayaa inay Hoteelkaasi gudaha u galeen.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa islamarkiiba soo gaaray gawaaridda gurmadka deg-dega ah iyo sidoo kale ciidamo ka tirsan nabad-sugidda qaranka Soomaaliya, kuwaas oo gebi ahaan xiray wadada soo gasha goobta uu qaraxa ka dhacay.

Dhinaca kale, waxaa la sheegayaa in qaraxaasi ay tiro dad ah waxyeelo kasoo gaartay, balse aan si rasmi ah loo ogaan karin inta ay tiradaasi gaarsiisan tahay.

Wixii warkaan kusoo kordha iyo sawirada dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!