Donald Trump oo lagu wado inuu saxiixo sharci qaxootiga muslimiinta looga mamnuucayo Mareykanka

Waxaa maanta lagu wadaa in madaxeynaha dalka Mareykanka Donald J. Trump uu saxiixo sharci cusub oo lagu mamnuucayo dadka qaxootiga ah ee ka yimaada 7 dal oo Islaam ah oo ay ku jirto Soomaaliya.

Sharcigaan cusub ayaa xayiraad saareysa dadka qaxootiga ah uu Mareykanka horey u geyn jiray dalkiisa, waxayna qeyb ka tahay balan-qaadkii Trump xilligii uu ku jiray ololahiisa doorasho.

Donald Trump ayaa intii uu ku jiray ololihiisa doorasho sheegay inuu dalka Mareykanka u diidi doono in la keeno qaxootiga Muslimiinta ah.

Madaxweyne Trump ayaa si gaar ah usoo hadal qaaday dadka Soomaalida ah mar uu ololihiisa doorasho uga jiray gobalka Minnesota, halkaasi oo ah gobolka ay ku badan yihiin Soomaalida.

Sharcigaan ayaa sameeyn doonna qaxootiga kasoo jeeda dalalka kala ah, Soomaaliya, Suudaan, Siiriya, Ciraaq, Iran, Liibiya iyo Yemen.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Donald Trump ayaa tan iyo markii xilka loo dhaariyay 20-ka bishaan Janaayo bilaabay saxiixida shuruuc cusub iyo wareegtooyin uu ku doonayo inuu wax uga bedalo shuruucdii hore u degsanayd dalkaas.

error: Content is protected !!