Soomaali si qasab ah looga soo tarxiilay Mareykanka oo laga soo dajiyay Muqdisho (SAWIRO)

Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo caga-dhigatay diyaaradda Jubba Airways oo ay saaran yihiin ilaa 95 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo si qasab ah looga soo tarxiilay dalka Mareykanka.

Sarkaal sare oo ka tirsan laanta socdaalka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa warbaahinta Bulshoweyn u sheegay in dadkaasi Soomaalida ahaa maanta laga soo tarxiilay dalka Mareykanka.

Tarxiilka dadkaasi ayaa kusoo beegmaya xilli ilaa 300 oo Soomaali ah ay haatan ku xiran yihiin xabsiyadda ku yaala gobalada Mareykanka ee xuduudka la leh dalalka Mexico iyo Canada.

Dhinaca kale, madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu saxiixi doono amar ku aadan xayiraad KMG oo la saarayo qaxootiga dib loo dejin lahaa dalka Mareykanka iyo inaan ogolaanshaha dal ku galka Mareykanka lasiin doonin qof kasta oo kasoo socdaala dalalka Soomaaliya, Suudaan, Siiriya, Ciraaq, Iran, Liibiya iyo Yemen.

Donald Trump ayaa tan iyo markii xilka loo dhaariyay 20-ka bishaan Janaayo bilaabay saxiixida shuruuc cusub iyo wareegtooyin uu ku doonayo inuu wax uga bedalo shuruucdii hore u degsanayd dalkaas.

error: Content is protected !!