Tiro wariyeyaal ah ayaa la sheegayaa inay saakay ku dhaawacmeen weerarkii lagu qaaday Hoteel Dayax ee ku yaala isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.
Wariyaashaasi oo u badan sawir-qaadayaal ayaa la sheegayaa inay ku dhaawacmeen qaraxii labaad ee ka dhacay banaanka hore ee Hoteelka Dayax, xilli ay muuqaalo ka qaadayen qaraxii koowaad.
Dhaawacyadda wariyaashaan ayaa la sheegayaa inay u badan yihiin kuwa fudud, waxaana loo qaaday xarumaha caafimaad ee ku yaala magaalada Muqdisho.