Xilliga ay dhaceeyso doorashada xilka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo la shaaciyay

Kulankii ugu horeeyay oo ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay guddoomiye cusub u doorteen xildhibaan C/raxmaan Ducaale Beyle, iyagoona sidoo kale guddoomiye ku-xigeen u doortay C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Guddoomiyaha cusub ee guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo hore u ahaa guddoomiyaasha guddiga doorashada ee guddoonka baarlamaanka, ayaa guddiga dib looga soo daray kadib markii baarlamaanku ay u codeeyeen inuu ka mid noqdo 16-ka xubnood ee shalay la magacaabay.

Xoghayaha guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale loo doortay Maryan Axmed Haaruun.

Diiwaan-gelinta musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa socon doonta maalmaha 28 illaa 29 Janaayo 2017-ka.

Sidoo kale, musharixiinta ayaa markii u horeeysey loo qaban doonnaa barnaamij dood-wadaag ah oo dhaceeysa 31 bishaan Janaayo.

Musharixiinta madaxweyne ayaa khudbadaha iyo barnaamijyadooda soo jeedin doonna 2 illaa 5 bisha Febaraayo.

Ugu dambeyntii, doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo in muddo ah la sugaayay ayaa dhici doonta 8-da bisha Febaraayo ee 2017-ka, taas oo ku beegan maalin Arbaco ah.

Hoos ka aqriso nuqul ka mid ah jadwalka doorashada ee nasoo gaaray:-

error: Content is protected !!