DEG DEG:- Prof. Geedi oo ka tanaasuli doono tartanka doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya

Waxaa haatan hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho ka socoto munaasabad balaaran uu Prof. Cali Maxamed Geedi ku shaacinayo inuu ka tanaasulay tartanka doorashada xilka madaxtinimada Soomaaliya, taas oo dhici doonta 8-da bisha Febraayo ee 2017-ka.

Prof. Cali Maxamed Geedi oo hore usoo noqday ra’iisul wasaaraha dowladii KMG ahayd ee Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu qorsheeynayo in ololihiisa doorasho uu ku taageero musharaxa ay isku jufadda yihiin ee C/qaadir Cosoble Cali, kaas oo haatan ka mid ah musharixiinta madaxweyne ee ugu cad-cad.

C/qaadir Cosoble Cali ayaa la xasuustaa in sanadkii 2012-ka uu ka mid ahaa murashixiinta ku tartantay doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya balse looga guuleystay.

Illaa iyo haatan lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in Prof. Geedi uu ka tanaasulayo musharaxnimadiisa ku aadan tartanka doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxaa la filayaa inay sidoo kale soo baxaan musharixiin kale oo iyagane ku dhawaaqi doonno inay ka tanaasuleen musharaxnimadooda xilka madaxweynaha Soomaaliya, iyadoona doorashada ay dhici doonto 8-da bisha Febraayo ee sanadkaan 2017-ka.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!