DEG DEG:- Qaar ka mid ah musharixiinta madaxweyne oo haatan kulan ku leh Hoteel Jazeera ee Muqdisho

Waxaa goordhaw Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ka bilawday kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah musharixiinta sanadkaan ku tartameeysa xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Kulankaan oo ay saxaafadda dibad-joog ka tahay ayaa ah mid ay musharixiinta uga tashanayaan xilliga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee la filaayo inay dhawaan dhacdo.

Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalintii shalay shaaciyay in doorashada ay dhici doonto 8-da bisha Febraayo ee sanadkaan.

Warar hordhac ah oo ay warbaahinta Bulshoweyn heleyso ayaa sheegaya in kulankaasi uu yahay mid ay musharixiinta qaarkood uga hadlayaan suurta-galnimada in  dib loo dhigo waqtiga doorashada.

Musharixiinta haatan kulanka ku yeelanaysa Hoteel Jazeera ayaa kala ah:-

  1. Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)
  2. Sheekh Shariif Sheekh Axmed
  3. C/qaadir Cosoble Cali
  4. C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole)
  5. C/raxmaan C/shakuur Warsame
  6. Maxamed Cali Ameeriko
  7. Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo musharixiin kale

Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa inay musharixiintaasi si wadajir ah saxaafadda ula wadaagan waxyaabaha ay uga hadleen kulanka.

Dhinaca kale, lama oga sida guddiga doorashada madaxweynaha uu ku aqbali doono rabitaanka musharixiinta haatan kulanka ku leh Hoteel Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Musharixiintaan ayaa kasoo horjeeda xilliga uu guddiga doorashada madaxweynaha ku shaaciyay inay doorashada ku dhici doonto, waxaana xusid mudan in musharixiintaan ay markii hore ku doodi jireen in xilliga doorashada la daahiyay.

error: Content is protected !!