DEG DEG:- Qodobo kasoo baxay shirkii musharixiinta xilka madaxweyne ee Muqdisho (DHAGEYSO+SAWIRO)

Waxaa maanta Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho kulan deg deg ah ku yeeshay qaar ka mid ah musharixiinta sanadkaan ku tartameeysa xilka madaxweynaha Soomaaliya, iyagoona kulankaasi uu ahaa mid ay uga tashanayeen xilliga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee la filaayo inay dhawaan dhacdo.

Musharixiintaasi ayaa sidoo kale ka hadlay suurta-galnimada in dib loo dhigo waqtiga doorashada, iyadoona ay xusid mudan tahay in musharixiintaan ay dhowr jeer hore ku doodi jireen in xilliga doorashada la daahiyay.

Dhinaca kale, musharixiintaan ayaa sheegaya inay kasoo horjeedaan xilliga uu guddiga doorashada madaxweynaha ku shaaciyay inay doorashada ku dhici doonto.

Kulankaasi oo socday muddo saacado ah ayaa ugu dambeyn laga soo saaray dhowr qodob, waxaana qodobadaasi saxaafadda u aqriyay ra’iisul wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Ridwaan Xirsi Maxamed.

Illaa iyo haatan lama oga sida guddiga doorashada madaxweynaha uu ku aqbali doono rabitaanka musharixiinta maanta kulanka ku yeeshay Hoteel Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya uu maalintii shalay shaaciyay in doorashada ay dhici doonto 8-da bisha Febraayo ee sanadkaan.

Musharixiinta haatan kulanka ku yeelatay Hoteel Jazeera ayaa kala ah:-

  1. Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)
  2. Sheekh Shariif Sheekh Axmed
  3. C/qaadir Cosoble Cali
  4. C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole)
  5. C/raxmaan C/shakuur Warsame
  6. Maxamed Cali Ameeriko
  7. Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo musharixiin kale

error: Content is protected !!