Faah faahin:- Nabadoon caan ah oo lagu dhaawacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari

Waxaa faah faahin dheeeraad ah laga helayaa dhaawac culus oo habeenkii xalay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari loogu geystay nabadoon Muuse Xaaji Faarax oo ka mid ahaa nabadoonada ugu caansan gobolkaas.

Kooxo hubeysan aan heybtooda la aqoon ayaa weerar ku qaaday Nabadoon Muuse Xaaji Faarax xilli uu ku sugnaa goob u dhow Hoteelka Yaasmiin oo ku yaala bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Nabadoonka ayaa la sheegayaa inuu soo gaaray dhaawac culus, waxaana dhaawaciisa la dhigay isbitaalka weyn ee ku yaala magaalada Boosaaso.

Kooxihii weerarka u geystay Nabadoonka ayaa la sheegayaa inay islamarkiiba goobta isaga baxsadeen, waxaana xilligaasi goobta soo gaaray ciidamo aad u badan oo ka tirsan kuwa nabad-sugidda maamulka Puntland.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid loo soo qab-qabtay falkaasi lagu dhaawacay Nabadoon Muuse Xaaji Faarax.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Boosaaso ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka dhacaayay falal lagu bar-tilmaameedsanayo saraakiisha iyo dadka bulshada magaca ku leh, waxaana falalkaasi inta badan sheegta kooxda Al-shabaab.

error: Content is protected !!