Farmaajo oo fariin cajiib ah u diray taageerayaashiisa, kana hadlay arrimaaha doorashada

Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladdii KMG ahayd islamarkaana ah musharax haatan u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa taageerayaashiisa u diray fariin cajiib ah islamarkaana la xiriirta ololihii doorasho.

Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa fariin uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga taageerayaashiisa kaga codsaday inay ku taageeraan sidii uu ugu guuleysan lahaa xilka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, taas oo dhici doonta 8-da bisha Febraayo ee sanadka 2017-ka.

Wuxuu Mudane Farmaajo taageerayaashiisa ku booriyay in xildhibaan waliba ay ka cosadaan, ka baryaan kuna cadaadiyaan inuu codka siiyo.

Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay yihiin kuwa isbadel doon ah, islamarkaana caloosha ka taageersan musharax Farmaajo balse aan la ogaan karin cidda ay dooran doonaan.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa fariinta uu Farmaajo u diray taageerayaashiisa ku macneeyay mid uu sanadkaan ku doonayo inuu taageero kaga raadsado xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale, warar hoose ay warbaahinta Bulshoweyn heleyso ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ay qorsheeynayaan inay doortaan Mr. Farmaajo halka xildhibaano kale ay qabaan fikirka ah in Sheekh Shariif la doorto.

Hoos ka aqriso fariinta uu Farmaajo u diray taageerayaashiisa

Bismillahi Raxmaani Raxiim

KU: Dhamaan taageerayaasha Musharax Maxamed Cabdilaahi Maxamed FARMAAJO

Walaalayaal saaxiibayaal sida aad xogta ku heleysaan, Guddiga doorashada Madaxweynaha JFS, wuxuu maanta ku dhawaaqay in 08-Febaraayo ay noqon doonto maalinta doorashada Madaxweynaha Somalia, maalintaas oo ah maalin ay sugitaankeeda idinku qaadatay muddo dheer.

Waxaan ku wargelinayaa dhamaan taageerayaasha Musharax Farmaajo, meel kasta oo ay joogaanba, in wixii saacadan ka danbeeya aan galnay marxaladii ugu danbeysay ee u diyaar garoowga maalinta doorashada.

Haddii aad xubin ka tahay 329-ka xubnood ee codkooda dhiibanaya, Fadlan walaal Xildhibaan CODKAAGA SII MUSHARAX FARMAAJO, haddii uu saaxiibkaa/ walaashaa/ walaalkaa/ xaaskaaga/ninkaaga qaraabadaada ama Xildhibaanka deegaanka matala uu xubin ka yahay 329 Xildhibaan ee codkooda dhiibanaya Fadlan la xariir, ugu tag meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto oo uu joogo/joogto,

Fadlan la xariir, u dir Telefan, E-mail, Baraha Bulshada (Social media) IWM, u sheeg kana codso, ka bari ama u soo jeedi, inuu codkiisa siiyo #FARMAAJO.

error: Content is protected !!