Gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa fariin culus u diray musharixiinta dhawaan u tartameeysa xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Prof. Jawaari ayaa musharixiintaasi ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay kula xiriiraan guddiga doorashada madaxweynaha oo xaruntooda tahay Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, si ay uga qaataan wixii macluumaad ah ee looga baahan yahay.
“Waxaan ka codanayaaa dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee isku soo taagay inay ka mid noqdaan musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliyeed, inay la xiriiraan guddiga doorashada madaxweynaha oo xaruntooda tahay Villa Hargeysa, wixii macluumaad ah oo ay u baahdaan ka qaataan islamarkaana ilaaliyaan jadwalka doorasho” Sidaas waxaa yiri Prof. Jawaari.
Dhinaca kale, Prof. Jawaari ayaa ugu baaqay dhamaan musharixiintaas inay si fiican u aqriyaan shuruudaha ku qoran xeer-hoosaadka loo qeybiyay islamarkaana ilaaliyaan jadwalka doorashada ee madaxweynaha Soomaaliya.