Wararka nasoo gaaraya gobolka Bay ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al-shabaab ay seddax nin ku toogteen meel fagaare ah oo ku yaala deegaanka Yaaq Baraawe oo ka tirsan gobolkaas.
Maxkmadda Al-shabaab ayaa seddaxdaasi nin ku eedeysay inay ahaayeen jaajuusiin u shaqeeynayay dowladda Soomaaliya, Sirdoonadda Kenya iyo Mareykanka.
Illaa iyo haatan lama oga in dambiyadda lagu soo eedeeyay seddaxdaasi qof ay maxkamadda Al-shabaab kahor qirteen iyo inkale.
Magacyadda eedeysanayaasha ayaa kala ah:-
- C/laahi Daamey Maxamed Nuur wuxuu ahaa 36 sano jir
- Maxamed Iimaan Xasan wuxuu ahaa 42 sano jir
- Maxamed Shariif Cali wuxuu ahaa 21 sano jir
Si kastaba ha ahaatee, maxkamadda Al-shabaab ayaa inta badan dacwooyinka ay qaado kusoo oogto eedeysnayaasha inay geysteen fal dambiyeedyo aan caddeymo loo heynin, taas oo ugu dambeyn keenta in xukun lagu fuliyo.