Sheekh Shariif oo noqday musharixii ugu horeeyay ee iska diiwaan geliya guddiga doorashada

Madaxweynihii hore ee dowladii KMG ahayd, haatanna ah musharax u taagan xilkaasi Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa noqday musharixii ugu horeeyay ee maanta iska diiwaan galiya guddiga doorashada xilka madaxtimimada Soomaaliya.

Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalintii shalay shaaciyay in maanta oo Khamiis ah ay bilaabanayso diiwaan galinta musharixiinta sanadkaan ku tartameeysa xilka madaxweynaha islamarkaana ay socon doonto illaa muddo seddax maalmood ah.

Musharixiinta u tartameeysa xilka madaxweynaha ayaa laga doonayaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan isku diiwaan geliyaan islamarkaana ku buuxiyaan shuruudaha musharax kasta laga doonayo.

Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed ka guddoomay lacag gaareysa 30,000 $ (Soddon Kun oo Doollar), taas oo ah lacagta musharax kasta laga doonayo inuu isku diiwaan geliyo musharax kasta oo u tartamaya xilka madaxweynaha.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markiii uu is-diiwaan geliyay kadib gudbiyay waraaqihiisa codsiga xilka madaxweyne, isagoona dhameystiray dhamaan shuruudaha laga doonayo musharax kasta.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markaasi kadib kormeer ku tagay Hoteel Dayax ee ku yaala magaalada Muqdisho, halkaas oo maalintii shalay koox ka tirsan Al-shabaab ay weerar argagaxiso ah ku qaadeen.

Weerarkii shalay ka dhacay Hoteel Dayax ayaa la sheegayaa inay ku geeriyootay 20 qof halka 50 kale ay ku dhaawacantay, waxaana dadka ay waxyeeladda kasoo gaartay weerarkaasi u badnaa dad shacab ah.

Ugu dambeyntii, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ku booqday dadkii ku dhaawacay weerarkii Hoteel Dayax, isagoo maamulka isbitaalkaasi ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda dadkaasi dhaawacyadda qaba.

error: Content is protected !!