Shuruudaha laga doonayo musharaxa ku tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya (AKHRISO)

Waxaa 8-da bisha Febraayo la filayaa in guud ahaan dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii guddiga doorashada ee madaxweynaha uu maalintii shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay jadwalka doorashadaas.

Musharax kasta ee u tartami doonno doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga doonayaa inuu fuliyo shuruudaha loo dejiyay doorashada madaxweyanah, waxaana shuruudahaasi ka mid ah in musharax kasta uu bixiyo lacag dhan 30,000 doolar iyo inuu saxiix ka heyso 20 xildhibaan.

Sidoo kale waxaa jiro shuruudo kale oo musharax kasta laga doonayo inuu kasoo baxo, inkastoo durbadiiba ay soo baxayaan dhowr musharax oo qorsheeynaya inay ka tanaasulaan tartanka doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Shuruudaha laga doonayo in musharax kasta laga helo ayaa ka mid ah sida soo socota:-

(a) Muwaadin Soomaali, Muslim ah;
(b) Da’adiisu aanay ka yarayn afartan (40) sano;
(c) Leh aqoon ama waayo’aragnimo u qalanta xilkaas;
(d) Dhimirkiisu dhan yahay;
(e) Gelin denbi culus oo ay maxkamadi xukuntay.

Aqriso shuruudaha laga rabo musharaxa madaxweyne iyo qaabka ay doorasha u dhici doonto

error: Content is protected !!