Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya weerar lagu qaaday saldhiga degmada H/wadaag ee Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar bam gacmeed ah oo habeenkii xalay lagu qaaday saldhiga degmada H/wadaag ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaasi oo ahaa Bam gacmeed lagu weeraray saldhiga degmada H/wadaag ayaa la sheegayaa inay ku dhaawacmeen askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo mas’uul ka tirsan maamulka degmadaasi oo saldhiga ku sugnaa.

Kooxihii weerarka geystay ayaa la sheegayaa inay islamarkiiba goobta ka baxsadeen, waxaana rasaas aad u xoogan laga dhex maqlay saldhiga kadib markii uu qaraxa dhacay.

Ilaa 2 askari ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen weerarkaasi Bam gacmeedka ahaa, waxaana sidoo kale dhaawac soo gaaray guddoomiye waaxeed ka tirsan degmada H/wadaag oo xilliga weerarku dhacaayay ku sugnaa saldhiga.

Rasaas ay rideen ciidanka weerarka lagu soo qaaday ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay qasaare balse aan si dhab ah loo xaqiijin karin qasaarahaas.

Xaaladda saldhiga degmada H/wadaag ayaa saakay ah mid degan, waxaana si caadi ah kusoo noqday howlihii hore halkaasi uga socon jiray.

Ma jirto cid illaa iyo haatan sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi ama loo soo qab-qabtay.

error: Content is protected !!