DEG DEG:- Dagaalyahanada Al-shabaab oo isaga baxay deegaanka Kulbiyow ee gobolka J/hoose

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kulbiyow ee gobolka J/hoose ayaa sheegaya in haatan ay halkaasi gebi ahaan isaga baxeen dagaalyahadii Al-shabaab ee saakay dagaalka kula wareegay.

Dagaalyahadda Al-shabaab ayaa la sheegayaa intii aysan ka bixin kahor deegaanka Kulbiyow ay dab qabadsiiyeen qaar ka mid ah gawaarida ciidamada Kenya ee taalay xerada, halka qaar kalena ay hore usii kaxeysteen.

Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa la sheegayaa in muddo saacado ah ay gacanta ku haayeen saldhiga ciidanka Kenya ee deegaanka Kulbiyow, inkastoo markii dambe ay isaga baxeen.

Lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi, iyadoona xaaladda goobta uu dagaalka ka dhacay ay haatan tahay mid aad u kacsan.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya inay arkeen meydadka 30 askari oo ka tirsan ciidanka Kenya oo yaalay goobtii uu dagaalka ka dhacay.

Ugu dambeyntii, ciidamada Kenya ee AMISOM oo gurmad ka helay ciidamo kale ayaa la sheegayaa inay haatan dib ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Kulbiyow, kadib markii ay halkaasi isaga baxeen dagaalyahanadii Al-shabaab ee saakay halkaasi weerarka ku qabsaday.

error: Content is protected !!