Meydka nin waayeel ah oo laga helay xeebta Badda Jaziira ee duuleedka Muqdisho (SAWIRO)

Meydka nin waayeel ah oo loo maleynayo inay Baddu soo tuftay ayaa gelinkii dambe ee shalay lagu arkay xeebta Jaziira, gaar ahaan halka loo yaqaano Abaay Dhaxan ee duuleedka magaalada Muqdisho.

Dad goob-joogayaal ah oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u sheegay in kadib markii la waayay cid meydkaasi aqoonsata ay go’aansadeen inay iska aasaan.

Ninkaasi ayaa la sheegayaa in da’ ahaan lagu qiyaasayo inta u dhaxeeysa 65 ilaa 70 jir.

Illaa iyo haatan lama oga in ninkaasi la dilay ama ay Baddu liqday, kadibne ay soo tuftay.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayey aheyd markii xeebta magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose lagu arkay meydadka nin iyo naag cadaan ahaa, iyadoona jirka meydka haweeneyda laga helay dahab ay xirneyd.

error: Content is protected !!