Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Kulbiyow ee gobolka J/hoose

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa saakay dagaal culus kadib si buuxda ula wareegay saldhigii ciidamada Kenya ee AMISOM ay ku lahaayeen deegaanka Kulbiyow ee gobolka J/hoose.

Afhayeenka ciidanka Al-shabaab C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa sheegay in labo is-miidaamiye ay maanta isku qarxiyeen xerada ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyow, kadibna dagaal fool ka fool ah uu halkaasi ka dhacay.

Abuu Muscab ayaa sidoo kale sheegay in askar badan oo ka tirsan ciidamada Kenya ay dagaalkaasi ku dileen islamarkaana hub fara badan ay ka furteen.

Dhinaca kale, sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Kulbiyow ayaa warbaahinta Bulshoweyn u xaqiijiyay in illaa 100 nin oo ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab ay saakay aroortii weerar kusoo qaadeen xerada ciidanka Kenya ee AMISOM ay deegaankaasi ku leeyihiin.

Sarkaalkaasi ayaa sidoo kale sheegay inuu jiro qasaare culus oo dagaalkaasi kasoo gaaray labada dhinac, balse aan si rasmi ah loo xaqiijin karin inta uu qasaarahaasi gaarsiisan yahay.

Illaa iyo haatan lama oga sida uu ku dambeyn doonno xaalka deegaanka Kulbiyow, waxaana jirta cabsi soo wajahday dadka halkaasi ku nool.

Dhinaca kale, ciidamo ka tirsan Kenya ayaa la sheegayaa inay haatan kusoo wajahan yihiin deegaanka Kulbiyow oo ay haatan gacanta ku haayaan dagaalyahanada Al-shabaab.

Xaaladda deegaanka Kulbiyow ayaa haatan kacsan, waxaana saacadaha soo socdo laga cabsi qabaa in ciidamada Kenya ee halkaasi isaga baxay ay dagaal rogaal celis ah halkaasi kusoo qaadaan.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!