Ciidamo kala taageersan musharixiinta madaxweyne oo buux dhaafiyay magaalada Muqdisho

Waxaa maalmihii ugu dambeysay soo baxaayay ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa militeriga oo la sheegayo inay qaarkood kala taageersan yihiin musharixiinta sanadkaan u tartameeysa doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Ciidamadaan ayaa intooda badan kala taageersan Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/laahi Farmaajo oo labaduba hore uga mid ahaa dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya iyo sidoo kale musharixiin kale oo iyagana u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Hadaba taageeridda ciidankaan ee musharixiinta madaxweyne ayaa dhalisay xaalad cabsi oo dhinaca nabad-gelyada doorashada madaxweynaha ah, waxaana haatan socda dadaalo lagu doonayo in ciidamadaasi looga saaro magaalada Muqdisho.

Saraakiisha AMISOM ayaa la sheegay inay damaanad qaadeen ammaanka doorashada madaxweynaha, laakiin waxaa magaalada Muqdisho kusii badanaya maleeshiyo iyo ciidamo iskood u taageersan musharixiinta xilligaan xasaasiga ah.

Dhinaca kale, madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo isna ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan ilaalo uu ka watay magaalada Garoowe la yimid magaalada Muqdisho, waxaana ay xaalad kacsanaan ah ka abuureen shirarka Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, qeyb ka mid ah guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee loo xil saaray ammaanka musharixiinta ayaa haatan soo wajahday xaalad adag, iyadoona inta badan musharixiinta ay dalbanayaan in la sugo ammaankooda.

error: Content is protected !!