Gabar labo sano jir ah oo lagu kufsaday Muqdisho iyo ninkii kufsaday oo gacanta lagu dhigay (SAWIR)

Waxaa dhawaan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, gaar ahaan degmada Wardhiigley ka dhacday dhacdo argagax leh, kadib markii la sheegay in lagu kufsaday gabar yar oo 2 sano jir ah.

Gabadhaan yar oo haatan si aad ah u xanuunsanayso ayaa la sheegayaa inuu kufsaday nin abtigeeda ah oo da’diisa lagu sheegay 18 sano jir, waxaana ninkaasi haatan gacanta ku haaya ciidamada booliska ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Waalidka dhalay gabadhaasi yar ee la kufsaday oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u sheegay in ciidanka booliska ee dowladda Soomaaliya ay ninkaasi xabsiga dhigeen, waxaana weli ku socda baaritaano ku aadan inuu maskax ahaan caafimaad qabo iyo inkale.

Mar aynu isku daynay inaynu la xiriirno saraakiisha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa inoo suurto galin, balse dhacdadaan ayaa noqotay midii ugu hadal haynta badan ee haatan ka jirta magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Wardhiigley.

Dhinaca kale, muddooyinkii ugu dambeysay waxaa dalka Soomaaliya kusoo badanaayay falalka kufsiga ee loo geysanayo gabdhaha yar yar, iyadoona dhawaantaan labo fal kufsi ah uu ka dhacay degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

error: Content is protected !!