Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in caawa halkaasi lagu dilay nin ganacsade caan ah oo lagu magacaabi jiray Cilmi Dheere.
Allaha u naxariistee Cilmi Dheere ayaa la sheegayaa in dilkiisa ay ka dambeeyeen koox ku hubeysan bistoolado, waxaana la dilay xilli uu ku sugnaa goob ku taala xaafada Kooshin ee bartamaha magaalada B/weyne.
Marxuumka la dilay ayaa la sheegayaa inuu ka mid ahaa dadkii ka qeyb ka qaatay dib u dhiska saldhigga ciidanka booliska magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Kooxdii dilka geysatay ayaa la sheegayaa inay islamarkiiba goobta isaga baxsadeen, waxaana markii dambe goobtaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan nabad-sugidda.
Ilaa iyo haatan lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilka ninkaasi ganacsadaha ah.
Sidoo kale, ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka loo geystay Allaha u naxariistee Cilmi Dheere oo ahaa ganacsade si weyn looga yaqaanay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.