Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in koox burcad ah ay dhac baahsan ku haayaan dadka iyo rakaabka saaran gaadiidka ka shaqeeya degmada Afgooye.
Koox hubeysan ayaa maalintii shalay deegaanka Busley ee gobolka Sh/hoose ku qafaashay gaari rakaab ah oo kusii jeeday degmada Dhoobleey ee gobolka J/hoose, iyagoo dhac u geysay in ka badan 20 qof oo saarnaa gaariga, kana qaatay lacag iyo qalab ay wateen.
Kooxaha falkan geystay ayaa lagu eedeeyay inay kasoo jeedaan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana la sheegayaa inay ku labisnaayeen dharka ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.
Ma jirto wax hadal oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaas oo ay kaga hadlayaan eedeymaha loo jeedinaayo maamulkooda, waxaana muddooyinkii ugu dambeysay isa soo taraayay dhaca baahsan oo loo geysanaayo dadka shacabka ah xilliyadda ay safrayaan.