Magacyadda liiska musharixiinta madaxweyne oo illaa iyo haatan is-diiwaan gelisay (AKHRISO)

Wararka ugu dambeeyay ee laga helaayo arrimaha doorashada xilka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa la sheegayaa in illa iyo haatan ay isdiiwaan geliyeen dhowr musharaxiin oo qorsheeynaya inay ku tartamaan xilkaas.

Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegayaa in illaa iyo haatan ay diiwaan geliyeen dhowr musharax oo ka mid noqon doonno musharixiinta u tartami doonto doorashada, waxaana tirada la diiwaan geliyay la guddoonsiiyay shahaadooyinkooda doorasho.

Musharixiinta illaa iyo haatan is-diiwaan gelisay ayaa waxay kala yihiin:-

  1. Sheekh Shariif Sheekh Axmed
  2. C/qaadir Cosoble Cali
  3. C/rashiid Cali Sharmaarke
  4. Maxamuud Maxamed Culusow.
  5. Xasan Sheekh Maxamuud
  6. Maxamed C/laahi Farmaajo
  7. C/raxmaan Faroole
  8. Bashiir Raage Shiiraar
  9. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)
  10. Jabriil Ibraahim Cabdulle
  11. Maxamed Cali Ameeriko
  12. C/naasir Maxamed Cabdulle.

Dhamaan musharixiintaan ayaa la sheegayaa in la siiyay shahaadooyinka doorashada, iyadoona sidoo kale la filaayo inay is-diiwaan geliyaan musharixiin kale.

Dhinaca kale, tartanka doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya oo hore loo filayay inay musharaxiin badan u tartamaan ayaa haatan u muuqda inay kusoo koobmi doonaan labaatameeyo.

Ugu dambeyntii, maalinta berri oo ay taariiqdu tahay 29-ka Janaayo ee 2017-ka ayaa waxay ku beegan tahay maalintii ugu danbeeysay ee is-diiwaan gelinta musharixiinta ku tartameeysa doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya.

error: Content is protected !!