Cumar C/rashiid oo odayaasha Daarood kulan aan caadi ahayn kula yeeshay Muqdisho (SAWIRO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ahna musharax haatan u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa magaalada Muqdisho kulan aan caadi ahayn kula yeeshay Odayaasha beesha Daarood ee kasoo jeeda deegaada Puntland iyo Jubbaland.

Cumar C/rashiid ayaa odayaashaasi Daarood ka dalbaday inay gacan ku siiyaan sidii uu ku heli lahaa codadka xildhibaanada baarlamaanka labada Aqal ee beeshooda, ay xildhibaanadaasi ka dhaadhiciyaan inay codkooda isaga siiyaan.

Kulankaasi casuumaada ah ayaa waxaa ka hadlay odayaal badan oo kasoo jeeda degaanada Puntland iyo Jubbaland, iyagoona kadib u ballan qaaday inay musharaxnimadiisa ku taageeri doonaan.

Ololaha doorashada musharax Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa la sheegayaa inuu dhibaato ku noqday musharixiinta kale oo ay isaga isku beesha yihiin, kuwaas oo sidoo kale u ee tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Musharixiintaasi ayaa waxaa ka mid ah C/raxmaan Faroole, Cali Xaaji Warsame iyo Saciid C/laahi Deni.

Ugu dambeyntii, maalmaha soo socda ayaa la filayaa in ololaha doorashada uu gaaro halka ugu sareeysa, iyadoo musharixiinta ay ku jiraan xilligii ugu danbeeyay ee xusul duubkooda siyaasadeed iyo hanashada codadka xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

error: Content is protected !!