DEG DEG:- Diiwaan gelinta musharixiinta madaxweynaha oo goordhaw soo xirantay

Waxaa goordhaw soo xirantay diiwaan-gelinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya oo ka socotay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha C/raxmaan Ducaale Beyle oo goordhaw la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyay in lasoo gaba-gabeeyay howshii diiwaan-gelinta musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Wuxuu guddoomiye Beyle sheegay in maanta ay is-diiwaan geliyeen oo kaliya labada musharax ee kala ah:-

  1. C/laahi Ciilmooge Xirsi
  2. Caddow Cali Gees

Dhinaca kale, guddoomiye Beyle ayaa sheegay in tiradda guud ee musharaxiinta haatan sida rasmiga ah isku diiwaan-gelisay ay gaarayaan illaa 24 musharax, kuwaas oo 8-da bisha Febraayo ee sanadkaan ku tartami doonna doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya.

error: Content is protected !!