DEG DEG:- Xaflad lagu taageerayo musharaxnimada Xasan Sheekh oo haatan ka socota Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhaw ay halkaasi ka bilaabatay xaflad si heer-sare loo soo agaamisay islamarkaana lagu taageerayo musharaxnimada Xasan Sheekh Maxamuud ee xilka madaxweynaha Soomaaliya.

In ka badan 100 xildhibaan oo ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay haatan goob-joog ku yihiin xaflada haatan ka socota Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho, iyadoona sidoo kale la filaayo in saacadaha soo socdo ay xildhibaano kale goobtaasi soo gaaraan.

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadal kooban uu goobtaasi ka jeediyay ugu baaqay xildhibaanada labada Aqal inay soo doortaan Xasan Sheekh Maxamuud, si buu yiri uu u dhameystiro waxyaabaha qabyadda ka ah dowladdiisa.

Sidoo kale, xildhibaanka sheegay in qof cusub oo la doorto ay keeni karto dib u dhac ku yimaada waxyaabaha haatan hormarka laga sameeyay dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, mas’uuliyiinta xafladda kasoo qeyb gashay ayaa waxaa ka mid ah madaxweynaha dhawaan xilka laga qaaday ee maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo sidoo kale madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeele Cali Guudlaawe.

Si kastaba ha ahaatee, saacadaha soo socdo ayaa la filayaa in lasoo gaba-gabeeyo xafladda lagu taageerayo musharaxnimadda Xasan Sheekh Maxamuud uu markale isku soo sharaxay xilka madaxweynaha Soomaaliya.

 Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!