Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa qarax qasaare geystay oo gelinkii dambe maanta ka dhacay goob maqaayad ah oo ku taala deegaanka Buurane oo hoos-timaada degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe.
Qaraxaasi oo ahaa miino lagu aasay maqaayadda ayaa la sheegayaa inay ku dhaawacantay 7 qof oo mid ka mid ah uu yahay askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.
Gudoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Mahadaay Saalax Xaaji oo la hadlay warbaahinta ayaa u xaqiijiyay in 7 qof ay ku dhaawacantay qaraxaasi.
Dadkaasi dhaawacmay ayuu guddomiye ku-xigeenku sheegay in loo qaaday isbitaalka ku yaala magaalada Jowhar, si halkaasi xaaladooda caafimaad loola tacaalo.
Dhinaca kale, ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa haatan howlgal aad u xoogan ka wadda xaafadaha ku yaala degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe, wuxuuna howlgalkaasi yahay mid lagu raad-joogo raggii ka dambeeyay falka qaraxa ah.