Kursigii ugu dambeeyay xildhibaanada gobolada waqooyi ee Aqalka hoose oo maanta la dooranayo

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya lagu doorto kursigii ugu dambeeyay xildhinaanada gobolada waqooyi u matalaya Aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Guddiga doorashada dadban ee heer federaal ayaa shaaciyay in kursigaan uu noqon doonno kursigii 270-aad ee xildhibaanada Aqalka hoose ka mid noqon doonno.

Kursigaan oo la sheegayaa inay ku tartami doonaan labo haween oo kasoo jeeda deegaanada Somaliland ayaa qofkii ku guuleysta buuxin doonna tiradda xildhibaan ee Aqalka hoose baarlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxaa weli harsan 5 xildhibaan oo ay guddiga doorashada sheegeen in doorashadooda dib loogu laaban doonno, kadib markii sharci ahaantooda muran la geliyay.

Kuraastaasi ayaa waxaa isku heysta maamul goboleedyada dalka iyo wakiilada beesha caalamka, iyadoona la filaayo in maalmaha soo socdo doorashadooda dib loogu laaban doonno.

error: Content is protected !!