Mo Faarax oo qoraal uu soo dhigay Facebook-ga ku weeraray madaxweyne Donald Trump (AKHRISO)

Mo Faarax oo ah orodyahan caan ah, islamarkaana haysta dhalashada British balse asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay go’aankii madaxweynaha Mareykanka Donald J Trump uu kasoo saaray dhowr dal oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Madaxweyne Donald Trump ayaa dhawaan saxiixay qodobo ay ka mid yihiin in dadka asal ahaan kasoo jeeda todobo dal oo Soomaaliya ka mid tahay aanay soo gali karin dalka Mareykanka illaa amar dambe.

Sidoo kale, waxaa arrinta layaabka leh ay tahay in qofkii haysta sharciga deganaanshiyaha Mareykanka ee loo yaqaano GREEN CARD-ka aanay dib usoo gali karin dalka Mareykanka illaa uu codsi cusub kasoo xareeysto.

Mo Faarax ayaa qoraaal uusoo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay in go’aanka madaxweyne Trump uu yahay mid aan laga fiirsan islamarkaana uu abuuri karo mid naceyb bulsho iyo midabba ku saleeysan.

Mo Faarax ayaa 6-dii sano ee lasoo dhaafay isaga iyo qoyskiisa ku noolaa dalka Mareykanka, wuxuuna sheegay inuu yahay shaqsi bixiya canshuurta islamarkaana bulshada Mareykanka kusoo kordhiyay waxyaabo badan.

“Anigu waxaan ahay muwaadin British ah oo 6-dii sano lasoo dhaafay ku noolaa Mareykanka, waxaana ahay shaqsi aad u shaqeeyay islamarkaana bixiyay canshuuraha, kana qeyb qaatay tabarucaada bulshadda Mareykanka.

Ugu dambeyntii, Mo Faarax ayaa sheegay inuu haatan is-weydiinayo waxa uu u sheegi doonno caruurtiisa maadaama isaga iyo dadka kale ee asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya laga mamnuucay inay galaan dalka Mareykanka.

“Waxaa aad iga walaacinaya inaan caruurteyda u sheego in Aabahooda aanu awoodi karin inuu haatan yimaado guriga, si uu ugu sharaxo sababta uu madaxweynaha usoo saaray siyaasad ka timid meel jaahilnimo iyo naceyb leh” ayuu Mo Faarax qoraalkiisa kusoo gaba-gabeeyay

error: Content is protected !!