Sharci cusub oo laga soo saaray qiimaha sarifka shillinka Somaliland iyo isticmaalka adeegsiga Zaad (DHAGEYSO)

Kulan ay maanta xarunta Bankiga dhexe ee Somaliland yeesheen shirkadaha ka ganacsada jaadka iyo guddida heer qaran ee la dagaalanka qiimo-dhaca shilinka Somaliland iyo sicir-bararka ayaa looga hadlay sidii ay ganacsatada jaadku si dhab ah ugu hoggaansami lahaayeen islamarkaana ugu hirgelin lahaayeen digreetadii uu madaxweynaha Somaliland dhawaan kasoo saaray la dagaalanka qiima-dhaca shilinka Somaliland iyo sicir-bararka dalka ka jira.

Dood iyo falanqeyn dheer kadib labada dhinac ayaa isku raacay heerka iyo qiimaha rasmiga ah ee lagu sarifaayo shilinka Somaliland marka loo eego doollarka.

Labada dhinac ayaa ugu dambeyn kala saxiixday heshiis is-fahan ah oo ka kooban seddax qodob, kuwaas oo wax weyn ka badali doonna sicir bararka ka taagan shillinka Somaliland, wuxuuna heshiiskaasi u dhignaa sida hoos ku xusan:-

  • In ganacsatada jaadku ay gacanta hore ku sarrifaan SLSH 6,800/=
  • In ganacsatada jaadku ay gacanta dambe ku sarrifaan SLSH 7,000/=
  • In la xoojiyo wada shaqaynta dowladda iyo ganacstada jaadka.

Sidoo kale, guddida la dagaalanka qiima-dhaca shilinka Somaliland iyo sicir-bararka Somaliland ayaa waxay kulan kaas la mid ah la yeesheen guddida sarriflayaasha, iyadoona kulankaasi lagu gorfeeyey heerka iyo qiimaha rasmiga ah ee lagu sarifaayo shilinka Somaliland.

Waxay guddida sariflayaashu ballan qaadeen inay si rasmi ah ugu hoggaansami doonaan digreetadii madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uu 24-kii bishaan soo saaray.

Sariflayaasha ayaa sheegay inay lacagta ku sarifi doonaan gacanta hore SLSH 6,800, halka gacanta dambena ay ku sarifi doonaan 7,000 oo shillinka Somaliland-ka ah.

Guddiga ayaa kulankaasi ku magacaabay seddax khabiir oo farsamo-yaqaano ah, kuwaas oo kasoo tallo bixin doona xilliga ama waqtiga ugu dhaw ee wixii ka yar $100 lagaga saari doono systemka adeegyada Zaad-ka iyo E-Dahabka.

Qodobka 6-aad ee digreetadii uu madaxweyne Siilaanyo soo saaray waxa si cad ugu qeexan:

“In shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil ee leh adeegga Zaad iyo E-Dahab, ay joojiyaan lacagta Dollar-ka ee lagu shubaayo telefoonadda gacanta wixii ka yar $100, kana saaraan nidaamkooda dollar-ka ah”

Dhinaca kale, shirkadaha Telesom Group iyo Dahabshiil Group ee leh adeegyada Zaad-ka iyo E-Dahab-ka waxay caddeeyeen inay fulinayaan digreetadii uu madaxweynuhu soo saaray, balse waqtiga la siiyay uu aad ugu yar-yahay farsamo ahaan, sidaas darteedna ay u baahan yihiin in waqtiga loo kordhiyo.

Ugu dambeyntii, dhamaan guddiga waxaa la isla qaatay inay dowladdu soo magacowdo guddi farsamo-yaqaano ah oo kasoo talo bixiya xilliga ugu haboon ee hawshaa lagu hirgelin karo.

error: Content is protected !!