Xukun lagu riday dhalinyaro kufsi ka geystay degmada Galdogob ee gobolka Mudug (SAWIRO)

Waxaa maanta xukuno kala duwan lagu riday dhalinyaradii dhawaan degmada Galdogob ee gobolka Mudug ku kufsaday laba gabdhood oo kiiskoodu ahaa mid si weyn ugu faafay baraha ay bulshada ku xiriirto.

Guddi culumo ah oo kiiskaan loo xil saaray ayaa ku dhawaaqay go’aanka laga gaaray kiiska kufsiga ah, waxaaana xukunka lagu fuliyay dhalinyaradaasi oo ku eedeysnaa inay kufsadeen gabar 16-jir ah oo lagu magacaabo Ridaayo Saxardiid, kadibna muuqaal ay ka duubeen ku baahiyay baraha ay ku xiriirto bulshada.

Wasiiro ka tirsan maamulka Puntland iyo taliyaha ciidanka booliska Puntland Jeneraal C/qaadir Shire Faarax Ereg ayaa goob-joog ka ahaa goobta uu xukunka ka dhacay.

Ammaanka goobta uu xukunka ka dhacay ayaa sugaayay ciidamo aad u badan, waxaana xukunka lagu riday shan wiil oo dhalinyaro ah islamarkaana uu ka mid yahay wiil 15 sano jir ah oo la dhashay Ex. Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Xukunka wiilasha ayaa u dhacay sida soo socoto:-

  1. Shirwac Jaamac Juunle – 10 sano xarig ah, 200 oo jeedal ah iyo lacag ganaax ah oo dhan 4,620$.
  2. Yaasir Maahir Xaashi – 6 sano xarig ah, 200 oo jeedal ah iyo lacag ganaax ah oo dhan 3,520$.
  3. Yaxye Cabdulaahi Awkax – 7 sano xarig ah iyo 100 jeedal ah iyo lacag ganaax ah oo dhan 1,760$.
  4. Ayaale Wale – 8 sano xarig ah, 100 jeedal iyo lacag ganaax ah oo dhan 2,560$
  5. C/risaaq Xoosh Jabriil – 5 sano xarig ah, 100 jeedal iyo lacag ganaax ah oo dhan 1,760$

Dhamaan dhalinyaradaasi ee xukunka lagu riday ayaa la sheegayaa in haatan loo qaaday magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo la sheegay inay xukunkooda ku dhameysan doonaan.

error: Content is protected !!