C/laahi Fartaag oo si aan ganbasho laheyn u taageeray musharaxnimada Xasan Sheekh (DHAGEYSO)

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee maamulka Jubbaland ahna xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii xalay ka qeyb gashay xaflad lagu taageerayay musharaxnimada Xasan Sheekh Maxamuud oo ka dhacday Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo khudbad ka jeediyay xafladaasi ayaa si aan ganbasho laheyn u taageeray in Xasan Sheekh Maxamuud mar labaad dib loo doorto, isagoona ugu baaqay xildhibaanada kale inay dib usoo doortaan.

“Waad taqaanaan wixii aan ku dhaarannay, dalku wuxuu marayaa meel halis ah, dalka wuxuu soo maray waddo dheer, wuxuuna u baahan yahay bad-baado, dalka uma baahna nin cusub oo lix bilood ay ka qaadaneyso isbarasho, lix bilood oo kale ay ka qaadaneyso dowlad barasho, ee waxaan rabnaa qabyadii aad noo sheegtay inaan dhameystirto” Sidaasi waxaa yiri xildhibaan Fartaag oo ka mid ah Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Xildhibaan C/laahi Fartaag ayaa caddeeyay in illaa 190 xildhibaan ay xalay kasoo qeyb-galeen xafladda lagu taageerayay musharaxnimada Xasan Sheekh Maxamuud ee xilka madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa dareensan halka danta dalku ay ku jirto.

error: Content is protected !!