Faah faahin:- Sarkaal iyo askar ku dhintay qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Seddax qof ayaa ku dhimatay tiro kalena way ku dhaawacmeen qarax miino oo caawa ka dhacay maqaayad ku taalla nawaaxiga Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi ayaa la sheegayaa inuu ahaa miino lagu soo qariyay bac madoow islamarkaana lasoo dhigay dhabarka dambe ee maqaayadda, iyadoona qaraxa halkaasi ka dhacay uu geystay burbur aad u xoogan.

Dadka ku dhintay qaraxaasi ayaa la sheegayaa inuu ku jiray sarkaal lagu magacaabi jiray BADAL oo ka tirsanaa ciidamada militeriga dowladda federaalka Soomaaliya iyo 2 askari isaga la socotay, waxaana sidoo kale ku dhaawacantay 5 kale oo dhamaan ahaa dad shacab ah.

Ciidamada nabad-sugidda qaranka oo goobta uu qaraxa ka dhacay soo gaaray ayaa halkaasi ka sameeyay baaritaano ay ku ogaanayaan sida ay wax u dhaceen.

Dhinaca kale, ma jirto cid illaa iyo haatan sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi ama loo soo qab-qabtay, wuxuuna qaraxaan qeyb ka yahay qaraxyadda inta badan lala eegto goobaha ay ku sugan yihiin mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

error: Content is protected !!